EURO 2020: England & France Oo Guulo Waaweyn Isugu Jawaabay, Portugal Oo Bar-Barihii 2-aad Oo Xiriir Ah Galay & CR7 Oo Dhaawac Uga Baxay Kulankii Xulkiis
Kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020, ayuu xulka qaranka France guul ay u qalmceen ka gaadheen xulka Iceland iyaga oo ku garaacay 4/0 iyaga oo hogaanka Group-ka la qabtay xulka Turkey iyada oo ay ciyaartu ahayd kulan dhinac kaliya ka socda iyada xulka ku guulaystay koobka adduunku si cajiib ah ku bilowdeen ciyaarta iyaga oo xulka Iceland ku qasbay in ay daafac galaan.
Daafaca Samuel Umtiti ayaa gool u dhaliyay xulka qarankiisa daqiiqadii 12-aad kadib markii uu karoos ka helay xiddiga Kylian Mbappe isaga oo sidaas hogaanka ugu dhiibay xulka qarankiisa.
Goolhayaha xulka Iceland ayaa fursad cajiib ah ka badbaadiyay Olivier Giroud xilli ayna xiddigaha xulka Iceland wax fal celin ah samayn.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka France ku hogaaminayay 1/0 waliba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Qaybtii dambe ayuu xulka France sii waday cadaadiskii iyo waliba maamulistii ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay goolal badan dhaliyaan.
Daqiiqadii 68-aad ayuu markan Olivier Giroud la helay kubada shabaqa isaga oo sidaas hogaanka ugu dheereeyay xulka qarankiisa France.
Wixii intaas ka dambeeyay Iceland ayaa is dhiibtay France ayaana sida ay doonaan ka yeelay ciyaarta iyaga oo maamulayay kulanka.
Daqiiqadii 78-aad ayuu Kylian Mbappe soo taabtay shabaqa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0 uu xulka France ku hogaaminayo Ciyaarta.
Xiddiga Antoine Griezmann ayaa daqiiqadii 84-aad soo xidhay goolasha xulkiisa isaga oo dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta kana dhigay 4/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France sidaas ku gaadhay guushii 2-aad oo xiriir ah is reeb-reebka Euro 2020.
Dhanka kale xulka qaranka England ayaa guul weyn ka gaadhay xulka Montenegro iyaga oo dhankooda gaadhay guushii 2-aad oo xiriir ah.
Xulka Montenegro ayaa England kaga naxsaday gool daqiiqadii 17-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marko Vesovic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Goolkaas ayaa xulka saddexda Libaax Hurdada ka kiciyay iyaga oo bilaabay sidii ay u raadin lahaayeen goolka bar-baraha ciyaarta.
Daqiiqadii 30-aad ayuu gool Madax ah u dhaliyay xiddiga Michael Keane kaas oo xulkiisa dib ugu soo celiyay ciyaarta kana dhigay 1/1.
Wixii intaas ka dambeeyay xulka England ayaa iska maamulayay ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado halis ah oo ay goolal ku doonayeen.
Daqiiqadii 39-aad ayuu xiddiga khadka dhexe ee Ross Barkley dhaliyay goolka 2-aad ee xulkiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1 uu England ku hogaaminayo Ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka England 2/1 ku hogaaminayo kulanka waliba ku gacan sareeyay ciyaarta.
Qaybtii dambe ayay saaxiibada Harry Kane si dar-dar leh ku bilowdeen iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal badan oo ay ciyaarta ku dilaan.
Daqiiqadii 59-aad ayuu mar kale Ross Barkley soo laabtay isaga oo dhaliyay goolkii 3-aad ee xulka qarankiisa iyo goolkiisii 2-aad ee ciyaarta.
Kabtanka xulka ee Harry Kane ayaa markan dhaliyay gool daqiiqadii 71-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/1 uu xulka England ku hogaaminayo ciyaarta.
Xiddiga wacdaraha dhigaya ee Raheem Sterling ayaa markiisa daqiiqadii 81-aad soo taabtay shabaq ciyaartana ka dhigay 5/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka England ku badiyay 5/1 wali 10 gool ku dhaliyay 2-dii kulan ee is reeb-reebka Euro 2020.
Dhanka kale xulka qaranka Portugal oo ah xulka difaacanaya tartanka Yurub ayaa kulankiisii 2-aad oo xiriir ah bar-baro galay kadib markii uu 1/1 ku dhaafi waayay xulka qaranka Serbia.
Kulanka ayaa la arkay Cristiano Ronaldo oo dhaawac uga baxay ciyaarta daqiiqadii 30-aad kadib markii uu dhaawac muruqa u muuqday soo gaadhay.
Comments
Post a Comment