Home Wararka Manta Jobs Kheyre : Maxey ciidamadu u kala tagi waayeen hadda ka hor oo aysan muddo sanad ah wax mushaar ah la siin
Jimco, Maarso, 22, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo mar kale oo hadal qaaday arinta ciidamadii dhawaan gadoodka sameeyay ayaa sheegtay in ay soo martay ciidamada muddo sanad oo wax mushaar ah aan la siin.
Kheyre ayaa sheegay in sababta ay gadoodsan yihiin ciidamadu tahay in cid kale lacagta loogu soo dhiibo oo aysan iyagu soo toos ah u qaadan lacagtooda.
Khudbadiisa ayuu ku yiri’’ ciidamada hadda gadoodsan maxey u kala tagi waayeen ku dhawaad muddo sanad ah oo aysan wax mishaar ah qaadan.
“Soomaalida dhibaataa haysato runtaa la isu sheegin,laakiin anaa runta idiin sheegaa, ciidanka in la saxo qasab waaye,culumaday qasab ku tahay,siyaasiyintay qasab ku tahay.”ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaare Kheyre hadalkiisa.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya go’aan adag qaadatay, isaga oo aan si toos ah carabka ugu dhufan nooca go’aanka ay qaadatay dowladda.
Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xili gadoodkii ugu darnaa ay sameeyeen ciidamada oo inta badan isaga soo baxay farumihii dagaalka iyo deegaanno ay uga sugnaayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Comments
Post a Comment