Arbaco, Maarso, 27, 2019 (HOL)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa ku xukuntay min siddeed sano oo xabsi ah rag lagu soo eedeeyay inay si burcadnimo ah ugu dhici jireen dadka rayidka ah iyagoo xiran dareeska ciidamada.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in min 8-sano oo xabsi ah lagu riday ragan burcada ah ee Maxkamada la horgeeyay.
Burcada Xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa kala ah 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi 4- Axmed Cabdi Rooble 5-Maxamed Cumar Diini
Comments
Post a Comment