NASASHADA KOOXDA: 3 Sababood Oo Cadaynaysa In Uu Lionel Messi Ka Fiican Yahay Cristiano Ronaldo.




Waa Kuma Xiddiga Ugu Fiican Taariikdu? Waxa laga yaabaa in uu yahay arinta ugu muranka badan kubada cagta iyada oo jiilka haatan lagu murmo midka fiican xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Labada xiddig ayaa awood ku haysat kubada cagta si weyna uga fiican dhamaan xiddigaha kale ee haatan kubada cagta ciyaara.
Messi iyo Ronaldo ayaa min 5 jeer ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka waana rikoodh ayna horay cid u dhigin.
Waxana aan lama filaan noqon doonin in ay labada xiddig haystaan bogaga hore ee wargaysyada ka faalooda ciyaaraha kubada cagta marka oo eego in ay haatan ku jiraan wakhtigii ugu dambeeyay ee xirfadooda ciyaareed.
Si kasta ah ahaatee waxa uuna shaki ku jirin in labadooda midkood fiican yahay laakiin taageerayaasha labada xiddig ayaa ku murma in uu mid walba u fiican yahay xiddiga ay taageeraan.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 sababood oo xoogan oo Lionel Messi ka dhigaysa xiddig ka fiican Cristiano Ronaldo.
1.Lionel Messi Oo Ka Weyn Gool Dhaliye Kaliya:
Arinta ugu muhiimsan ee Lionel Messi ka dhigasa mid ka fiican Cristiano Ronaldo ama xiddig kasta oo kale in uuna kaliya ahayn gool dhaliyo laakiin yahay xiddig dhamaystiran marka loo eego Xiddiga reer Portugal.
Sababta Ronaldo loo bar-bar dhigo ayaa ah awooda xiddiga reer Portugal ee dhalinta goolasha badan xilli ciyaareed kasta laakiin Goolasha Ronaldo ayaan kulamo badan saamayn ku yeelan ama aan go,aamin.
Dhanka kale Lionel Messi ayaan kaliya ahayn gool dhaliyo laakiin waxa uu awood u leeyahay in uu maamulo ciyaarta waliba wax weyn ka badalo saaxiibadiisa kooxdana ka caawiyo in ay dhaliyaan goolal.
Xilli ciyaareedkan Lionel Messi ayaa ciyaaray 37 kulan tartamada oo dhan waxa uu ku lug leeyahay 60 gool isaga oo dhaliyay 39 sidoo kale 21 caawiye ka noqday.
Sidaas darteed Messi ayaan la odhan karin waa gool dhaliye kaliya marka loo eego Cristiano Ronaldo oo ah gool dhaliye laamiin aan inta badan saamayn ku yeelan kulaamda taas oo ka dhigaysa in uu ka fiican yahay xiddiga reer Portugal.
2.Lionel Messi ayaa Ka Badan Ku Guulaysiga Koobabka Shaqsiga ah & Kuwa Koox ahaantaba:
Marka aynu ka hadlayno koobab shaqsi ah ama jamaaci ah Lionel Messi ayaa ku guulaystay 33 gool oo koox ahaan ah halka halka uu Cristiano Ronaldo ku guulaystay 28 koob.
Marka aynu ka hadlayno koobabka shaqsiga ah Labada xiddig ayaa 5 jeer ku guulaystay Ballon d’Or-ka laakiin Ronaldo ayaa wali ka dambeeya abaalmarinaha ama koobabka shaqsiga ah marka laga hadlayo kabta dahabka ah ee gool dhalinta iyada oo uu Messi ku guulaystay 5 jeer halka uu Ronaldo ku guulaystay 4 jeer.
Ronaldo ayaa ka koobab badan Messi marka loo eego champions League laakiin Messi ayaa wax walba ku guulaystay waxana uu haatan 10 gool ka horeeyaa Ronaldo tartanka kabta dahabka ah.
3.Lionel Messi ayaa Ku Fiican In Uu Qaab Ciyaareed Fiican Ka Soo Saaro Xiddigaha Kale Ee Kooxda:
Lionel Messi ayaa kaga fiican Cristiano Ronaldo marka ay noqoto la ciyaarista saaxiibadiisa kale ee kooxda isaga oo ka dhiga qaar fiican marka uu soo galo ciyaarta ama uu garoonka ku jiro.
Cristiano ayaa kooxdiisa u dhaliya goolal badan waliba ku hogaamiya guulo saaxiibadiisa kalena ka dul qaada cadaadiska badan laakiin Kama dhigo qaar fiican.
Dhanka kale Messi arintiisu way ka duwan tahay inkasta oo uu dhaliyo goolal badan hadana xiddiga reer Argentine ayaa saaxiibadiisa ka soo saara qaab ciyaareedkooda ugu fiican una fura boosas badan oo ay ka dhaawici karaan kooxda ka soo hor jeeda una abuura fursado ay goolal ku dhalin karaan.









Comments