Ciyaartii Caawa dhamaatay waxay ahayd ciyaar, in badan oo kubada jecel ay la yaabeen natiijadeeda, la yaabkaas dadkaasi ka sakowna waxaa foolxumo iyo fadeexadba la hoyday Xulkii Qaranka ee Argentine, oo si weyn loogu hanweynaa haduusanba qaadin koobka inay meel fiican ka gaarayaan tartan loo tartamayo, balse ma dhicin mana suuroobin saadaashaasi, oo ciyaartooydii reer Argentine waxay caawa la garooonka ka dareereen, iyagoo jabkii iyo guuldaradii ku dhacday. Ay u ii dheerayd goolal afar ah oo sida kaniinka loo laqsiiyay.
Dhinaca kale waxaa farxad aan inaba la soo koobi karin caawa ay u soo hoyatay xulka kubada cagta ee dalka Jarmalka iyo waliba haweneyda ra'iisul wasaarahooda ah ee Angela Mikel, oo maanta garoonkii lagu dheelayay Fadhiday.
Inkastoo dad badan ku adkayd inay ciyaartan sii saadaaliyaan, hadana inaba la isma lahayn in Jarmalku uu Argentine sidan ugu tuman doono.
Bilowgii sidaas firinbiga loogu dhuftay, oo ciyaartu ay sadax daqiiqo oo kaliya socotay, ayaa ayaa kubad la soo koroosay waxaa madaxa ama teesto ku dhaliyay Thomas Muller, oo ah weeraryahan wadamo badan oo ingiriisku ka mid yahay guuldaro baday.
Miroslav Klose oo isagana sidoo kale ah laacib la yaqaano ayaa daqiiqadii 68 Argentine u labeeyey, waxaana goolkaasi soo dhigay Lucas Podolski.
Argentine isma dhigan ismana dhiibiin, oo xirib iyo xeeladba waxay isugu geeyeen inay wax gool ahdhaliyaan, xaqiiqadiina kuabad wanaag iyo kubad haysaso marka laga hadlo waxaa ciyaar wanaagsana Xulka Qaran ee Argentine.
Balse jarmalka waxa uu culays saaray qadka dhexe oo waxaaba inay kubada gaarto loo diiday weeraryahana Liyooni Mesi Carlos Tavos, Afka hore Argentine uga dheeliyay.
Gool sadaxaad ayaa Jarmalku mar kale ay ku hubsadeen, Shabaqa argentine.
Kii Afaraadna waxaa Gabagabadii Ciyaarta Daqiiqadii 89-aad, dhaliyay Miroslav Klose.
Ciyaartiina waxay ku dhamaatay Afar iyo Eber,Waxaana Garoonkii lagu dheelayay ee Green point ee Magaalada Cape-town ceeb iyo calaacal kala hoyday, wiilashii reer Argentine iyo Macalinkoodii Diego Armanda Maradona, oo waqtigii waqtigii uu ciyaaraha dheeli jiray guulo badan kala hoyday Garoomada Dalka Talyaaniga, Balse Maanta Maradona waxuu garoonka ka baxay isagoo murgaysan, oo madaxa haysta, waxaana murogadaasi la wadaagay wiilashii uu mudada dheer soo laylinaya, sida Gabriel hense, Liyooni Mesi, Gonsalo hiigwaaiin javier Maash-jaraano, carlos taves iyo laacibka laacika dhaafay ee Diego Milito.
Waxayna argentina caawa Cagta saartay, Jidkii ay mareen kooxihii waaweynaa ee Boorasadahooda ka xirxirtay koobkan aduunka,, oo ay ugu dambaysay, Brasil oo xalay ay kooxda Holand hoog iyo halaag baday.
Jarmalka waxay Semifinalka isku arki doonaan, hadba kooxda badisa caawa, Ciyaarta Dhexmari doonta, Paruguay iyo Spain, oo ka dhacaysa, Garoonka Elis-Par eek u yaala farasmagaalaga johannesburg.
Koobkii aduunkana waxuu u muuqdaa, mid xiisiha iyo xaraarada uu qabo, ay sii kordhayso, Maalinba maalinta ka dambaysa
Comments
Post a Comment