WARBIXIN: 4 Sababood Oo Ka Dambeeya Xiisaha Waalida Ah Ee Uu Zinedine Zidane U Qabo Saxiixa Sadio Mane


Kooxda Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayaa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane tan ilaa markii uu Zinedine Zidane ku soo laabtay kooxda Real Madrid.
Inkasta oo ay jiraan xiddigo badan oo fiican oo jooga Real Madrid hadana Zidane ayay kaga dhagantahay in uu kooxdiisa ku soo daro sadio Mane.
Hadaba waxa aan warbixintan ku soo gudbin doonaa 4 sababood oo ka dambeeya xiisaha Zidane ee Sadio Mane.
1.In Uu Ku Jiro Wakhtigii ugu fiicnaa Xirfadiisa:
Sadio Mane ayaa ku jira wakhtigii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah ahna xiddiga ugu goolasha badan kooxda xilli ciyaareedkan.
Sadio ayaa dhaliyay 20 gool oo tartamada oo dhan ah waana rikoodh cajiib ah halka uu 9 kulan oo xiriir ah shabaqa soo taabtay premier League sidaas darteed waxa uu muhiim u noqon doonaa weerarka Real.
2.Awooda uu ku Kordhinayo Weerarka:
Zidane ayaa doonaya in uu dib u dhis weyn ku sameeyo kooxdiisa kadib markii ay Real Madrid wayday xiddigo weerarka ah oo leh orod fiican iyo waliba dhamaystir goolasha ah, Mane ayaana leh labadaas Astaamood isaga oo waliba ka ciyaari kara saddex boos oo kala duwan khadka dhexe ee weerarka, Weerarka tooska ah iyo waliba labada garab ee weerarka.
3.In Uu Booskiisa Badali karo ciyaarta oo socota:
Mane ayaa tusaale ahaan inta badan ku bilowda garabka weerarka kulamada Liverpool laakiin xiddiga ayaa kulanka dhexdiisa isku badala boosaska isaga oo ka ciyaara dhamaan 3-da bos ee weerarka isaga oo waliba daafacyada khal-khaliya.
4.Xiddig Si Weyn Loo Jecel yahay:
Mane ayaa ah xiddig si weyn looga jecel yahay garoonka gudihiisa iyo dibadiisaba waana xiddig leh Akhlaaq cajiib ah oo aan la arkin isaga oo inta badan muran la gala xiddigaha garoonka ama garsoorayaasha xitaa hadii lagu khaldamo.

Comments