Sabti, April, 27, 2019 (HOL) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib markii ay soo xaadir waayeen tiradii loo baahnaa in uu ku furmo kulanka.
Sababta ugu weyn ee keentay in uu baaqdo kulanka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada intooda badan maanta xaadireen shirweynaha daah furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hormuudka ka yahay Shariif Sheekh Axmed, halkaa ay ka tagi lahaayeen xarunta Golaha Shacabka.
Comments
Post a Comment