Sabti, April, 13, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galinkii dambe ee Sabtida si aan horay looga arag uga hadlay isu soo baxyo ay ka dhigeen caasimadda Muqdisho, shacab ka caroodey dilkii loo geystay wiilkii bajaajlaha ahaa iyo qof la socday.
Dibadbaxa oo ay rabshado ka dhasheen, ayuu madaxweynaha ku tilmaamay mudaharaad 'lagu burburinayo sharafka iyo sumcadda Soomaaliyeed' , wuxuu sheegay inaysan yeeli doonin bannaanbaxyada nooca ah.
"Dowladani waddadii caddeed ayey cagta saartay mana soo noqoneyso, umadda Soomaaliyeed way socotay...waxaan soo marney waad ogtihiin qabiil iyo qabyaalad yaan been la idin kugu sheegin ,danley yeysan been ku sheegin.. Soomaaliya waxa meeshan dhigay waa danley siyaasadeed waa dad qabyaaladeystayaal ah". ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay dhimashada labada dhallinyarada ah, isagoo tilmaamay in askarta looga baahan yahay inay shacabka naftooda difaacaan,balse madaxweynaha ma soo hadal qaadin dadka kale ee Shacabka ahaa ee iyana la dilay intii ay bannaan baxyada socdeen, iyadoo warbaahinta maxalliga ah ay ku warrantay in dadka ay Ciidanka booliska dileen ay gaarayaan 4 qof oo uu ku jiray Wiil dhallinyaro ah oo u gargaari jiray dadka barakacayaasha ah.
Maamulka madaxweyne Farmaajo oo labo sanno iyo bilo hoggaaminaya dalka ayaa lagu dhaliila ammaanka,iyadoo labadii sanno ee u dambeeyay ku dhawaad toddobo dhallinyaro ah oo ka mid ah kuwa darawaladda ka ah mootadda bajaajka ay Muqdisho ku dileen ciidanka booliska, balse isu soo baxyadii maanta dhacay waxay u muuqdeen kuwa si dhaqso ah ugu baahay degmooyinka Muqdisho,taas oo markii hore dad badan ay shaki-galinayeen.
Comments
Post a Comment