Khamiis, April, 04, 2019 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaa Turkiga uga digay gantaallada uu Ruushka ka iibsanayo ee S-400 ee lidka diyaaradaha, kaas oo Washington ay u aragto in uu halis ku yahay diyaarradaha Maraykanka.
Turkiga ayaase ku jawaabay in heshiiska ay ku gadanayaan gantaaladaas uu yahay heshiis horay horay loo gaaray.
Ankara ayaa calaaqaad dhaw la samaysanaysay Ruushka ka dib markii uu dhawaan xumaaday calaaqaadkii uu la lahaa Maraykanka iyo Yurub.
Turkiga ayaa ciidammada labaad ee ugu badan ku leh ururka Nato oo ah gaashaan buur ay ku midaysan yihiin 29 dal, kaas oo loo aasaasay in la isaga difaaco Midawgii Soofiyeet.
Maraykanka ayaa rumaysan in iibsashada Turkiga ee gantaallada S-400 ay halis galinayso diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-35.
Washington ayaa hadaba baajiyay qorshihii ay Turkiga kaga gadaysay diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Maraykanka ayaa sidoo kale Turkiga cadaadis ku saarayay in uu ka iibsado gantaallada uu sameeyo ee difaaca hawada sare.
Masuuliyiin sare oo Nato ka tirsan ayaa ku celceliyay in hubka Ruushku uusan la jaanqaadi karin qalabka ay xulafadu adeegsato.
Comments
Post a Comment