Sabti, April, 13, 2019 (HOL)-Sida laga soo xigtay Howlgalka Mareeykanka ee Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM, ciidamada cirka Mareeykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ayaa waxa ay duqeeymo ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Garoowle oo ka tirsan shabeelaha hoose.
“Waxaan sii wadi doonnaa in aan bartilmaameedsanno horjoogayaasha maleeyshiyada Al-shabaab darajo walba ha lahaadaan,” ayaa yiri Gen. Gregg Olson Madaxa howlgalka isagoo intaa ku daray in howlgallada caynkan oo kale ah ay dhabarjab ku yihiin qorsheyaasha Al-shabaab ay falalka amni darro uga geysanayaan dalka.
Sidoo kale war saxaafadeed ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo xulufadooda ay sii laba jibaareen cadaadiska ay saarayaan kooxda Al-shabaab, waxaana mareeykanku sheegay in duqeeymaha ay yihiin kuwo lagu taageerayo howlgalladaasi.
Howlgalkan ayay sheegeen in lagu dilay laba kamid ah Maleeyshiyaadka Al-shabaab, hal gaadiidna looga gubay.
Diyaaradaha dagaalka Mareeykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM ayaa mudooyinkii u danbeeyay xoojiyay duqeeymaha ay ka fulinayaan Soomaaliya, waxaana jiray eedeeymo ay hay’adaha xuquuqul insaanka u jeediyeen Mareeykanka oo ku aaddan in qaar kamid ah duqeeymaha ay fuliyaan ay waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah.
Comments
Post a Comment