Sabti, April, 13, 2019 (HOL)-Mudaneyaasha golaha shacabka dalka ayaa lagu wadaa in ay maanta ka doodaan xaaladda amniga dalka, ayadoo kulankan uu yahay mid mudaneyaashu ay dhexdooda doodi doonaan.
Kulanka maanta ayaa la filayaa in warbaahintu goobjoog ahaato, ayadoo mudaneyaashu ay dhexdooda ka doodi doonaan amniga, waxaana la filayaa in maalinta berito ah loo yeeri doono madaxda hay’adaha amniga dalka si wax looga weeydiiyo xaaladaha ammaanka dalka.
Madaxda ugu sareeysa ee dowladda, gaar ahaan hay’adaha ka shaqeeya amniga ayaa mudooyinkii u danbeeyay wajahayay eedeeymo ay u jeedinayaan masuuliyiinta mucaaradka dowladda iyo qaar kamid ah shacabka oo ku eedeeynayay in ay gabeen kaalintoodii sugidda ammaanka dalka.
Comments
Post a Comment